Halkan Ku Xayeysiiso Ganacsigaaga
KU Xayeeysiiso Ganacsigaaga Halkan
Bogga 1aad
Bogga Labaad
Bogga 3aad
Bogga 4aad
Filimo
TrafficRevenue
PopAds.net - The Best Popunder Adnetwork

Highways To Hell:

Magazinka maraykanka ah ee Fobes eeinta badan ka warama arimaha dhaqaalaha kuna caan baxay liisgareyntii dadka ugu taajirsan aduunkan ayaa soo bandhigay Arin ka duwan tii hore oo ah tobanka jid ama wado ee Baabuurtu marto ee aduunka ugu khatarta badan taas oo cinwaan uga dhigay The Highways To Hell:Jidadkii cadaabta,markii loo dhabogalayna runtood noqotay,taasoo dhinaca kale keentay inay dalxiiseyaal badani tagaan meelahaas si ay indhahooda ugu soo arkaan,wado walbana bilowgeeda waxaa waxaa lagu dhejiyey boodhkan hoose ee ah Danger,waa kuwan iyagii oo sawiro laga soo qaaday meelaha ugu khatarsan.

Die zehn gefährlichsten Straßen der Welt © sxc.hu / Collage: msn.de
© sxc.hu

No#1 wadadan koowaad waxay ku taalaa India,waxaa la dhisay qarnigii 16aad,waxayna isku xidhaa Magaalooyinka u waaweyn ee India,Pakistaan & Afgaanistaan waxaana magaceeda la Yidhaahdaa The Grand Trunk,wadadan taariikhiga ahi waxba sidaasi u weyni iskamay bedelin ilaa wakhtigii la dhisay,lamana balaadhin,dhulka ay ku taalaana waa dhul aad u qurux badan,taasaana keentay inuu noqdo jidka ugu shilka badan waayo waxaa maalin walba mara Basas& baabuur badan,gaadhi dameero,Baaskiilado,Ugaadh badan,cagafcagafyo dad sida iyo dad aad u badan oo lugeynaya,oo dhamaantood dalxiisayaal ah iyo wadadii oo yar waana meesha ugu shil badan caalamkan la joogo iyo dhimashoba.taasna wuxuu ku qaaday #1.

© sxc.hu

No# 2.Jidkani wuxuu ku yaalaa dhul buuraley ah oo laga guurey beri hore xoolo dhaqato mooyaane,markaa wuxuu ku qaaday number 2 maaha xoolahan aan haadka cida xaq u leh garaneyn ee khatartu waxaa weeye waa jidka ugu gooladaha xun aduunka kuwaasoo ku yaala buuro qarkood oon waxba kaa xigin iyo wadadoo jay ama quruuruxu ku badan yahay kaasoo baabuurta la siibta kana tuura qarka.

© sxc.hu

No # 3 : Jidkan sadexaad wuxuu ku yaalaa England,waana jidka ukala baxa Oxford & Aberystwyth ama A44 waana jid laba haad ah ama 2 lanes,waa jidka ay ka dhaceen shilalkii ugu waaweynaa ee U.K la xasuusto,taasina ay keentay inuu noqdo jidka ugu trafic camera badan si ay wixii sharcigaa jebiya ama xawaarahaas dhaafa ula kacaan The Eligal Rowdies-ka,dadkuna uga leexdaan inta badam camera darteed.

© sxc.hu

Number # 4: Jidkani wuxuu ku yaalaa Masar,wuxuuna u dhexeeyaa magaalada Taariikhiga ah ee Luxor ee Koonfurta masar marka looda socdo xaga Magaalada dalxiiska Quusitaanka ee red sea-ga ee Hurghada,dhibaatada jidkani way ka duwan tahay tii hore oo dhan,sababtoo ah jidkan waa inaad martaa inta badan habeenkii, waana inaadan shidan laydhka baabuurka sababtoo ah waxaad halis u tahay inay ku arkaan qolada ajaanibka neceb ama Muslinka xagjirka ah kuwaasoo lagu xasuusto 1997 oo ay dileen 62 touriste Jarmal ah,habeen keliya,taasaana indhihii baabuurka in la bakhtiiyo sii xoojisey hadaba hadaanad indhaha dhidana waxaad halis u tahay inaad godad dhaadheer oo xabaalo taariikhi ah laga qoday ku dhacdid taasaana keentay inuu jidkani noqdo number 4,D

© sxc.hu

Jidka Number #5: Jidkani wuxuu ku yaalaa wadanka Equador inyaruun buu ka xigaa dhanka koonfureed magaalo madaxda wadankaas ee Quito,dhererka jidkuna waa 25miles,wuxuuna tagaa magaalada Cotopaxi,ee dalxiiska loo tago Fulcan National Park oo ah meel uu markuu rabo qarxo fulkaane siiba wakhtiga roobka,waxaana la yidhaahdaa jidkii murugada,waxaa fulkaanaha kasokow qayb ka qaata shilalka baabuurta oo aad u dayacan,jidka oo burbursan oo god iyo dhiiqo iyo dhulkoo jilicsan isku darsaday markaa qof waliba intuu isleeyahay hore u dhaaf ayuu shil galaa hadii fulkaanku qarxona wadadaba lama arko oo qarbaad ka duulaysaa waayo meeshu waa buuraley.E

© sxc.hu

Jidka Lixaad No # 6: wuxuu ku yaalaa wadanka croatia ee ka go'ay ex-yuguslavia,jidkani waa jidka ugu dhimashada dalxiisayaasha badan,waana meelaha ugu dalxiiska badan yurub,sababtuna waa laba,Miinooyinka ayaa dadka aad u layn jirey oo ay ku aaseen labada ciidanba croatia & Serbia,wakhtigii dagaalada,dadka dhowr jeer baa la yidhi waa laga dhameeyey miinooyinkii laakiinse ilaa hada way ku qarxaan miinooyinku dadka,markaa dadka waxaa ka dhaadhacsan haduu baabuurku xoog u socdo miinada wuu dhaafayaa oo isagoo dhaafay bay qarxaysaa taasina waxay keentay in dhimashadii sii sadex jibaaranto oo intii miinooyinku laynayeen ay labo jeer ka badatay inta shil ku dhimatay ee buur ka duushay iyo qar waayo waa dhowr buurood oo isku xiga waxaana ka shisheeysa bada oo dadku dalxiiis u tagaan wakhtiga xagaaga ama Sommerka,taasina waxay dhaxalsiisay wadadan inay gasho numberka 6aad.

© sxc.hu

Number #7.jidkani waa jidka aduunka ugu dheer waana jidka Pan American Highway ka bilaabma Alaska ilaa South Amerika,dherekiisana sida ku qoran Buuga Guinness waa 30.000miles,hadaba meesha ugu khatarsani waxay ku taalaa wadanka Costa Rica,waxaana la yidhaahdaa "Hill of Death" Buurtii dhimashada,waxayna u dhaxaysaa magaalooyinka San Isidro de Elgeneral iyo Cartago,khatartuna waxay tahay laami kasta iyo Shubkasta oo laga dhigo wadadaasi adigoo maraya ayay iska go aysaa oo aad qar ka duulaysaa meeshuna waa dawga sheekh oo kale ama adigoo socda ayay buur kaa saraysaa soo dumeysaa ood qarka ka duulaysaa. taasina waxay dhaxalsiisey wadadani inay noqoto No# 7.

© sxc.hu

Number #8 : Wadadani waxay ku taalaa wadanka China,labaatankii sano ee u danbeeyeyna tirada shilalka ee wadadani way sadex jibaarmeen,waxayna ku taalaa Gobolka ugu dadka yar China,intii u dhaxaysey 1985 - 2005 waxay tirada Dhimashadu kacday 7.9% 100.000 ee dadka wadadaas isticmaala ah,iyadoo ay 9 jeerna badatay tirada baabuurta ee Wadadaas shil ku gashay,Sanadkii 2006 waxay noqotay tirada dhimashada ee wadadaasi 82.000 qof,taasoo number one gelisey tirada shilalka Gobolada wadanka Gobolkii ugu dadka yaraa,hadaba sababtu maxay tahay? sababtu waxay tahay waa meesha ugu barafka badan China,sidaad u socotid baad wadadiiba waayeysaa oo Buur baraf ahi ku soo dumeysaa wadadii iyo baabuurtiibana qaadaysaa sida hadaba kuu muuqata halkaas waxa mara Motorway ama Highway 6 lane ah, Barafbaa la tegey gebigiisiiba, hadii roob da'ona waa la mid, sababtaasina waxay keentay in sanad gudihii ay noqoto tirada dadka dhinta 82.000 iyo 37.000 baabuur & 1068 dhugdhugleey in la waayo.waana gobolka buuraleyda ah ee Sichuan-Tibet.China

© sxc.hu

Jidka Number # 9: wuxuu ku yaalaa wadanka brasil waana jidka labaad ee ugu dheer wadankaas waana Highway BR-116.wuxuu ka yimaadaa magaalada Porto Alerge ee xuduudka ah waxay soo martaa Curatiba,Sao Paulo ilaa Rio de Janeiro, inta u dhaxaysa Curitiba & sao Paulo ayaa loo yaqaanaa magaca ah "Rodovia da Morte" The highway of Death" sababtuna maaha wax kale, fatahaadaha oo ku badan dartood iyo Roobabka ayaa wadada labada dhinacba Shub laga mariyey taasina waxay keentay caleemaha iyo qashinka ku soo daata wadada oo baabuurta la siibta ka dibna ay galaan shubkaas,ama khalad yar ayaa dhacaya ka dibna shubkaasaad is mudantihiin,taasina waa ta dhaxalsiisey jidkan inuu noqdo No#9.

© sxc.hu

Jidkani waa No #10, wuxuu ku yaalaa wadanka Bolivia, waxayna u yaqaanaan jidkii dhimashada waxaa la dhisay waktigii ay la dagaalamayeen Praguay oo ay ka go'een,waxayna ku dhiseen maxaabiistii ay ka qabsadeen praguay,Dhererkiisu waa 40miles,wuxuu labo jeer ku guuleystey inuu yahay jidka aduunyada ugu khatarta badan waxaa sanad walba ku dhinta dalxiiseyaal badan sababtuna waa isaga oo aan laami ahayne ah ciid & Jaay ama quruurux ,iyo dhulka uu ku yaalo oo aad u roob badan oo jilicsan markaa dadku waxay arkaan dhererkiisa quruxda badan iyo sinaantiisa oo intay rabaan ku socdaan yacni Fast dhibaataduse waxay tahay baabuurka ayaa keligii is geeya meeshuu rabo oo dhulku la siibtaa taasaana shilalka keenta keentayna inuu jidkani galo kaalinta 10aad

Back Visitors Stat Counter

Our Services
 


Motorbikes Scanning
read more >


Timing Belts Changing
read more >


All Cars Wiring CD
read more


TRUCKS Scanning
read more >


Engines Scanning
read more >


Radios Fitting
read more >


Keys Coding
read more >


Somali Music
read more >

 
 
 
King Size Direct Promotion Codes© Copyright 2005. All rights reserved. Designed by. Gesod.S.Aska