|




|
 |
Baabuurkan aad Kor Ku Aragtaa waa baabuurkii loogu talo galay dayaxa,waxaana loo sameeyey shirkada dayax gacmeedyada ee Nassa waxaana u Samaysay Shirkada Rover,inkastoo Kaameradaha ku xidhan ay leedahay Siemens oo German ah, Wxaana magaciisa la yidhaahdaa Luner Rover,waxaa noociisa aduunka ka jooga 3 xabo oo Nassa loo sameeyey,midkiiba Qiimihiisu waa Afartan Milyan 40.000.000 oo dollar xabadiiba, sadexdooduna waa isku 120.000.000,sidaasuu ku noqday baabuurka ugu qaalisan

Policeka Italy oo noqday booliskii ugu baabuurta qaalisanaa kadib markii loo qaybiyey 250 Lamborghini Diablo si aan baabuurba uga baxsan waxaase la isweydiiyey lamborghini Dhul siman bay ku socotaaye kawarama hadii tuugtu Fourwheel drive wadato

Baabuurkan sare waa Ford Fusion ku shaqeeya Biyo waana baabuurkii dhigay xawaarihii u sareeyey ee wax biyo ku socdaa gaadhaan isagoo gaadhey 587km/h Utah USA 
Gaadhigan sare waa SSC Thrust,waa baabuurka haysta rekoodhka wax dhul socda oo taayiro leh wuxuuna gaadhey 1.228km/h mar uu ku sameeyey August.2007 dhoola tus Saltlake in Utah USA,wuxuuse rikoodhkiisii u danbeeyey dhigay isla laba bilood gudahood 15.oktober.1997 Black Rock Coast ee Navada USA.wuxuuna gaadhey 207.279M/H oo u dhiganta 333.58km/h,waxaana wadey Andy Green,Khatartaas aad aragtid dhererkeedu waa 16.5meter balaadhkeeduna waa 3.7meter, culayskeeduna waa 10.5Tones,waxaase hada socda mashruuc ay wada wadaan laba nin oo la kala yidhaahdo Richard Nobble & Ron Ayers oo labaduba hada u shaqeeyaan shirkada American Eagle ee samaysa diyaaradaha dagaalka ee F-104.mashruucaas oo ku kacaya 10.000.000 us.dollars,ayna ku rabaan inay ku jebiyaan Rikoodhkii Andy Green,iyagoo raba inay Afka hore ee F-104 ku rakibaan Baabuur lagana yaabo inay Enginekeedana u isticmaalaan.
|
Liisankii Aduunka ugu nasiibka Xumaa, Wiil jarmal ah ayaa ku waayey liisankiisii baabuurka lagu kaxaynayey in ka yar 20minutes markuu qaatay , inankaas oo ka soo baxay xafiiskii liisamada oo baabuurkii hooyadii wada iyaduna la socoto ayaa qabsaday highway,isla markiiba waxaa qabtay Police,ku joojiyey inuu xawaare aad u sareeya ku socdey darteed, markii uu istaagayey ayay arkeen inuu taleefanka gacantana ku hadlayo,kadibna wuu la murmurmay iyagiina baabuurkii ayay sii fatasheen waxay arkeen in 2 taayirna intii sharciga ahayd ka hooseeyaan xabuubkoodu ama profilekoodu,isugeeyoo 12points ama dhibcood ayuu isla meeshii ku helay iyadoo sharciguna yahay labada sano ee u horeeya lisanka waxaa lagaaga qaadi karaa 8dhibcood sidaas ayuu ku waayey liisankii uu hada soo qaatay,iyagoo ku amray inuu mar labaad soo maro Theory & Practical test labadaba from Zero inuu kasoo bilaabo waase goorma bacda laba sano,sidaasuu ku noqday liisankii ugu ayaanka darnaa waxaana lagu qoray buuga taariikhda ee Guinnes Record
|
Baabuurkii ugu Gaabin jirey Aduunka waxaa sameeyey Shirkada Carl Benz 1887,waxaana la odhan jirey Kutschenwagen wuxuuna jari jirey 16km/h xawaarihiisa u badan jidadka oo xumaa iyo isagoo 3taayir lahaa darteed una eekaa baaskiil runtiise baabuur ahaaDie allerersten Automobile waren viel gemächlicher: Der von Carl Benz 1887 entwickelte Kutschenwagen war 16 Stundenkilometer langsam.
|
wuu idiin soo socdaa sawirkiisu
Quadka ugu dheereeya aduunka waxaa sameeyey nin maraykan ah oo la yidhaahdo Terry Wilmeth ,wuxuu gaadhey xawaarihiisu 240.4km/hDas schnellste Quad, von dem Amerikaner Terry Wilmeth gelenkt, brachte es immerhin auf 240,4 Stundenkilometer.
|
Labadan sawir ee sare waa laba sofe mid waa kii u horeeyey ee engine la saaro waxay ka dhacday wadanka maraykanka laakiinse xawaarihiisu wuxuu ahaa 15mile/h ,kan labaadna waa soofihii ugu dheereeyey aduunka oo xawaarihiisu gaadhey 148km/h ama 85.54mile/h waxaana Sameeyey Marek Turowski oo Jarmal ah
|

Baabuurkani waa Ford Limosini dhererkiisu waa 23meter, wuxuu qaadaa 18 qof wadamada yurub waxaa la keenay 19 xabo kadibna dib ayaa loogu celiyey America sababtuna tahay meel uu ku kala fireeyo ama gooladeeyo ayaan la heleyn yurub,sawirkan aad aragtaa waa ingiriiska.3 xabo ayaa ku hadhay Germany & 2 xabo oo Sweden ku hadhay intii kale waxaa la yidhi markaanu wadooyinkayaga balbalaadhino ha inoo ahaato |

Baabuurkii ay la yaabaan ayay Ingiriisku ugu yeedhaan Buble car. hada isagii oo sax ah ayaa laga soo saaray U.K. ilaa hadana wershedu waxay iibisey 189 xabadood loomase ogolaan jidadka Highways-ka ama Motorways-ka la yidhaahdo yaraantooda darteed |

No Wonder,dadka maraykanka ahi intay baabuurkan meelahaas ku arkaan habeenkii ama subaxa hore inay yidhaahdaan waxaanu aragnay Ufo ama Quruumo kale oo ina soo booqday, baabuurkan waxaa la keenay Germany,isagoo laga keenay USA, bil ka bacdina dib ayaa loogu dhoofiyey USA waayo wuu buuxin waayey Shuruudihii Road safety-gii jarmalka,waxan ka taagan eed aragtaan xaga hore maaha bir waa Fibre glass caag ah,hadii aad feedhid jabaysa,imagine iyadoo Truck ama baabuur weyni ku hirdiyona |

Baabuurkan waxaa lagu sameeyey Filipiin waxaana sameeyey laba ingineer oo Engine Dhugdhugleey ayaa saaran,markii hore waxaa la moodayey inay kabaha xayeysiinayaan , hadana dumarku waxay ku doodayeen waayahaye maxaa haday kabaha xayeysiinayaan qof dumar ahi u kaxeeyn weydey kabta, iyaguna waxay ku doodeen suaashaas darteed ayaanu u wadanaa,ee ay dumarku na weydiinayaan maxaa idinka idin saaray si aanu dumar badan ula sheekeysano |

Baabuurkan yar waxaa lagu sameeyey Germany uma baahnid M.O.t & road tax ama TUV & AU midna Waxaad u baahan tahay oo keliya laba waxyaabood, waa inaad 16jir tahay iyo 3litir oo taangigiisu qaado oo aad maalintaas ku soconkartid
Back
|
|  |
|
|